Tiyeglow

From Wikipedia, the free encyclopedia
Tiyeglow
Tiyeeglow
Town
Tiyeglow is located in Somalia
Tiyeglow
Tiyeglow
Location in Somalia
Coordinates: 4°2′0″N 44°31′0″E / 4.03333°N 44.51667°E / 4.03333; 44.51667
Country Somalia
State South West
RegionBakool
Government
 • Occupation Al-Shabaab
Population
 • Total2,000
Time zoneUTC+3 (EAT)

Tiyeglow (Maay: Tiyeeglow, Somali: Tiyeegloow), sometimes also called Tieglow is a town in the southwestern Bakool region of Somalia. It has a population of around 2,000 inhabitants.[1] The broader Tiyeglow District has a total population of 81,053 residents.[2]


Taariikhda Degmada Tiyeeglow oo Kooban.


Markale & Taariikhda Degmada Tiyeeglow Ee Gobalka bakool

-----------------------------

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ka Tristan-tahay Degmooyinka Gobalka Bakool Kuwooda ugu Magac & Miisaan Culus.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Dhacdaa Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana Deegaan Ahaan Lasoo Degey Mudo Aad u Fog, Sida Magaceeda Ka Muuqda, Waxey Ahaan Jirtey Meel Howd Ah, Biyo Mareen Ah Waxaana Ka Bixi Jirey Dhirta Noocyadeeda Kala Duwan, Gaar Ahaan Geedka Loo Yaqaano "Tiyeeg" Ku Badnaashaha Geedka "Tiyeega" Ayaa Sabab U Ahaa In Degmada Loogu Magacdaro "Tiyeeglow".

Degmada Tiyeeglow Dhulkeedu Waa Deegaan Hodan Ku Ah Daaqsinta Xoolaha & Tacbashada Beeraha.

Degmada Tiyeeglow Ka Hor Inta Aysan Soomaaliya Qaadan Xornimada Waxaa Ay Ahaan Jirtey Meelihii Ugu Waa Weynaa Ee Talyaanigu Saldhigyo Ciidan Ka Dhisto Guud  Ahaan Soomaaliya Gaar Ahaan Gobalka Bakool 1915-tii.

Degmada Tiyeeglow Sababtii Ugu Weyneyd Ee Talyaanigu Saldhigyo Ciidan Uga Dhistey Ayaa Ahayd Dagaalkii Uu Kula Jirey Xabashidii Gumeysi Diidka Ahayd Ee Itoobiya.

1972-dii Ayaa Degmonimo Loo Magacaabey Degmada Tiyeeglow Waxaana Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabey Allaha U Naxariiste Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Degmada Tiyeeglow Dhul Ahaan Waxaa Ay Ku Fadhidaa 500KM Oo Isku Wareeg Ah, Dadka Ku Nool Tira Ahaan Waxaa Lagu Qiyaasaa 25000-30000.

Dadka Ku Nool Degmada Tiyeeglow & Deegaanada Hoos Yimaada 60% Waxaa Ay Ku Tiirsanyihiin Xoolaha Nool, 30% Waxaa Ay Ku Tiirsanyihiin Tacbashada Beeraha, 10% Waxaa Ay Ku Tiirsanyihiin Ganacsiga.

Degmada Tiyeeglow Waa Degmada Ugu Wax Soo Saarka Badan Guud Ahaan Gobolka Bakool,  Taasina Waxaa Sabab U Ah Dhul Ahaan Waa Ay Ka Duwantahay Gobalka Bakool Intiisa Kale, Marka La Fiiriyo Qaab Dhismeedka Gobalka Way Ka Hooseysa Degmada Tiyeeglow Taas Ayaan Sababtey In Tiyeeglow Ay Noqoto Dhul Biyo Mareen Ah Kuna Fiican Tacbashada Beeraha & Daaqsinta Xoolaha Nool.

Degmada Tiyeeglow Marka Ay Maqlaan Dadka Soomaaliyeed Waxaa Ay Soo Xasuustaan "Malabkii Tiyeeglow" Oo Aan Kala Go' Lahayn Abaar & Aaranba, Timirta, Canbaha, Canuuniga, Liin Dhanaan, Banbeelmo, Seytuunka, & Kuwa Kale Oo Badan, Degmada Tiyeeglow Waxaa Banaanka Uga Imaada Kaliya Badeecada Sida Bariiska, Baastada, Sokorta, Saliida.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ku Taala Meel Istiraatiiji Ah, Waxaa Ayna Isku Xirtaa, Gobalada Kala Ah, Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Baay, & Gobalka Bakool Intiisa Kale, Sidoo Kale Waxey Xuduud Dhuleed La Leedahay Ismaamulka Soomaali Galbeed ".

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Dhinaca Bari Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Gobalka Hiiraan, Gaar Ahaan Tuulooyinka "Ceel Cali" & Ceel Cade, Koonfur Bari Waxaa Ay Xuduud Kala Leedahay Laba Gobal Oo Kala Ah, Shabeelada Dhexe & Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe Waxey Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Deegaanka Layiraahdo "Dheriyoow" & Goobanle,  Gobalka Shabeelada Hoose Waxey Xuduud Dhuleed La Leedahay Deegaanka Layiraahdo "Leego & Yaaq-Biraweyne", Koonfurta Gobalka Baay Waxey Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Deegaanka Layiraahdo "Dolon-Doole & Dhinaca Galbeed Waxaa Ay Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Degmada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool, Deegaamada Kala Ah, "Qurac-Joome, Yow-Kooyow, Abig Beedey", Dhinaca Soomaali Galbeed Degmadu Waxey Xuduud Kala Leedahay Dhul Daaqsin Ah Oo Loo Yaqaan "Bay" Marka Aan Fiirino Inta Gobal Ee Ay Isku Xireyso Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ina Tuseysaa In Degmadu Meel Istaraatiiji Ah Ay Ku Taasho.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Hoos Yimaada 186 Tuulo Waana Degmada Labaad Ee Ugu Tuulooyinka Badan Gobolka Bakool Marka Laga Reebo Degmada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Soo Marey Ilaa 9 Gudoomiye Degmo Oo Kala Ah.

1: Maxamed Yarow (Yare).

2: Macalin Nuur (Haley).

3: Macalin Aadan Isaaq (Aamir).

4: Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale).

5: Cabdullaahi Ibraahim (Jeedaw).

6: Isgoowe Deerow Isaaq.

7: Maxamed Xasan Cabdulle (Jinaaw).

8: Macalin Maxamed Nuur (Madyarow).

9: Maxamed Cabdulle Foodcadde.

Degmada Tiyeeglow Inta Aysan Burburin Dowladii Kacaanka Waxaa Ay Lahayd, Isbitaalo & Goobo Waxbarasho, Balse Nasiib Daro Markii Ay Burburtey Dowlada Kacaanka, Degmada Tiyeeglow Waxaa Saameyn Ba'an Ku Yeeshey Dagaalkii Sokeeye Ee Dalka, Waxaana Guud Ahaan Burburey Adeegyadii Aas-aasiga Ahaa Sida Goobihii Waxbarashada & Caafimaadka.

Horaantii Sagaashameeyadii Markii Ay Burburtey Dowladii Kacaanka, Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Gacanta U Gashey Maleeshiyadii Salbalaar Ee Uu Hogaaminaayey Gen. Ceydiid, Oo Burbur Xoogan U Geystey Degmada Tiyeeglow & Guud Ahaan Deegaanada Hoos Yimaada, Ururkii Gobanimodoonka Gobalada Koonfureed Ee "RRA" Ayaa Dagaal Ay Kusoo Qaadeen Maleeshiyadii Salbalaar Ee Uu Hogaaminaayey Gen. Ceydiid Ka Saarey Degmada Tiyeeglow & Guud Ahaan Deegaanadii Gobalka Bakool Ay Kaga Sugnaayeen.

Intaas Wixii Ka Danbeeyey Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Noqotey Magaalo Nabdoon, Waxaana Guud Ahaanba Dib Ugu Soo Laabtey Hay'dihii Samafalka Ee Ka Howl-galaayey Degmada, Waxaa Dib Loo Furey Goobihii Waxbarashada & Caafimaadka, Ganacsiga, Waxaa Guud Ahaan Dib Usoo Laabtey Adeegyadii Aas-aasiga Ahaa Ee Degmada.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Marti Gelisey Barakacayaashi Soomaaliyeed Ee Ugu Badnaa Ee Abid Usoo Qaxa Degmo Ka Tirsan Gobalka Bakool, Kuwaas Oo Kasoo Barakacey Colaadii Sokeeye Ee Gobalada Dalka.

Horaantii 2000 Waxaa Degmada Tiyeeglow Laga Aas-aasey Iskuul Layiraahdo "Sheekh Cabdiraxmaan Al-zeylici", Kaasoo Oo Ay Ku Aflaxeen Kumanaan Ardey Oo U Dhashey Deegaanka & Kuwo Waxbarasho Usoo Doonteyba, Hada Qaarba Ah Wasiiro, Qaarba Xildhibaano Ah, Qaarbaa Agaasimayaal, Qaarba Dhakhaatiir Ah, Qaar Ayaa U Shaqeynaya Hay'adaha Samafalka Ah Ee Caalamka.

Balse Nasiib Daro Markale Degmada Tiyeeglow Oo Xasiloon, Waxaa Gacanta Ku Dhigey Ururka Al-Shabaab, Waxaana Gebi Ahaanba Gobalka Bakool Iskaga Cararey Hay'adihii Samafalka Ahaa, Waxaa Gebi Ahaanba Al-baada Laiskugu Dhuftey Goobihii Waxbarashada & Caafimaadka, Ganacsigii Deegaanka Hoos U Dhac Ayaa Ku Yimid, Beeraleydiina Beerahooda Ayaa Canshuur Lagu Rogey, Xoola-Dhaqatadiina Deegaanada Kale Gobalada  Ayey Qabteen, Si Naftooda & Maalkooda Ula Badbaadaan, Hasa-yeeshe Inta Aan Ku Jirey Ururinta Xaalada Guud Ee Degmada Tiyeeglow Waxaa Aan Maqley In Ay Hada Degmada Ka Furanyihiin Hal Iskuul & Hal MCH Oo Aan Heysan Agab Ku Filan Hadii Loo Raadin Lahaana Maamulka Hada Jooga Tiyeeglow Aysan Ogalaaneynin.

Degmada Tiyeeglow Dadka Ugu Caansan Taariikhda Soomaalida Ayaa Kasoo Jeeda, Waxaana Kamid Ah.

1: Sheekh Cabdiraxmaan Al-zeylici", Waxaa Uu Ahaa Wadaad Laga Yaqaano Dunida Inteeda Kale, Wuxuuna Ku Caan Baxey Faafinta Diinta Islaamka.

2: Cabdiqaadir Sakhaawadiin Sheekh Aweys Dheere Oo Ahaa Gudoomiyihii Ugu Horeeyey Ee Ururkii Gobanimo Doonka Soomaaliyeed, Ahaana Aas-aasihii Dhidibada U Taagey Ururkii SYL.

3: Dr. Abdalla Deerow Isaaq Oo Ahaa Aabihii Mideeyey Digil & Mirifle Kana Mid Ahaa Aas-aasayaashi Ururkii "RRA" Soo Noqdey Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Dowladii Uu Madaxweynaha Ka Ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

4: Cabdiqaadir Zoobe Oo Ay Soomaalidu Wada Garaneyso Ahaana Aabihii Federaalka Maanta Jiro Fikrad Ahaan Ninkii Soomaaliya Soo Gaarsiiyey.

5: Malaaq Seemow Malaaq Cabdi Garuun Oo Ahaa Malaaqii Guud Ee Beelaha Digil & Mirifle Ahaana Nabadoon Soomaalidu Ay Wada Jeclaayeen.

6: Dr. Maxamed Cali Xaamud Oo U Ololeyn Jirey Dhisidii Maamulkii Lixda Gobal Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Uu Madaxweyne Ka Noqdey Allaha U Naxariiste Marxuun Madoobe Nuunow Maxamed.

7: Faarax Xaaji Cumareey Oo Kamid Ahaa Saxafiyiintii Rugcadaaga Ahayd Ee Laanta "BBC-da".

8: Dr. Cabdalla Maxamed Xuseen Oo Ahaa Dr-kii Cudurada Haweenka Guud Ahaan Soomaaliya Gobaladeeda Loogu Imaan Jirey & Qaar Kaloo Badan.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ka Koobantahay Dhowr Xaafadood Waxaana Kamid Ah, Suuqa Siinaay, Bolowka, Qarimeey, Jiidanki, Buuladi, Abig Beedey, Goolweyne & Aawkey Miroogu, & Qaar Kaloo Badan.

Goobaha Taariikhiga Ah Ee Degmada Waxaa Kamid Ah, Xerada Booliiska Degmada Tiyeeglow Oo Uu Dhisey Talyaaniga 1915-tii, Waxaa Kaloo Jira Dhagax Caan Ka Ah Degmada Tiyeeglow Oo Loo Dalxiiska Tago, Dhagaxa Waxaa Ku Sawiran, Raad Beni'aadam, Waxeyna Shacabka Ree Tiyeeglow Ugu Magac Dareen "Kobtii Nabigi, Ama Kabtii Nabiga SCW", Sidoo Kale Goobaha Taariikhiga Ah Waxaa Kamid Ah, Ceel Bakooran Oo Ah Ceel Caan Ka Ah, Gobalka Bakool, Gaar Ahaan Degmada Tiyeeglow, Waa Ceel Qaab Rabaani Ah U Sameysan, Waxaa Horey Heeso Uga Sameeyey Abwaan "Tarash" & Fanaankii Weynaa Maxamed Axmed (Qoomaal), Goobaha Kale Ee Taariikhiga Ah Waxaa Kamid Ah Dhanaawe 4-ta "Ceel Gaab" Oo Qiyaastii 7KM-8KM Ujirta Magaalada Oo Sidii Isha Baydhabo Oo Kale Biyaha Iska Socdaan 24-saac.

Meelaha Kale Ee Taariikhiga Ah Waxaa Kamid Ah Deegaanka Biyooley Oo Quyaastii DegmadaTiyeeglow U Jirta 18KM, Waxaa Ku Duugan Sheekh Aweys Dheere Al-Qaadiriya, Waxaa Ku Yaala 114-Ceel Biyood Oo Aan Gurin Gu' & Jiilaalba.

Taariikhda Degmada Tiyeeglow Ma Ahan Mid Aan Maalmo & Sanado Kusoo Koobi Karo, Balse Inta Hada Aan Idinla Wadaagey, Waa Intii Aan Heley Mudadii Aan Ku Jirey Aruurinta Taariikhda Saxda Ah Ee Degmada Tiyeeglow.

Waxaan Ka Cudur Daaranaya, Idinkana Raali Gelinayaa, Hadii Aan Taariikhda Degmada Tiyeeglow Qaldey Inaad Iga Raali Ahaataan, Islamarkaasina Aad Igu Caawisaan Intaan Qaldey Si Aan U Saxo.

Taariikhda Deegaanadeenu Hadii Inagu Aanan Qorin, Iyadu Isma Qoreyso, Taariikhda Dhulkeena Oo Aan Qornana Waa Dhaxalkii Jiilasheena Danbe.

Waxaan U Mahad Celinayaa Alle "SWC", Marka Xigta Waxaan U Mahad Celinayaa Dhamaan Saaxibadii Garab Igu Siiyey Taariikhda Inta Iga Maqaneyd, Waxaan Si Gaar Ah Ugu Mahad Celinayaa Saaxibkey Bishar Hassan Abdinur Oo Jooga Dalka Masar Gaar Ahaan Magaalada Qaahira, Oo Aan Isleeyahay Hadii Bishaar Uusan Ahaan Lahayn Intanba Ma Suurta-geli Lahayn, Saaxib Waxaan Ku Leeyahay Mahadsanid Alle Haku Sharfo.

Insha-Allah Waxaan Rajeynaa In Uu Illaahey Ituso Tiyeeglow Oo Sharafkeedi & Karaamadeedi Dib Usoo Ceshatey, Dalxiis Dhulka Ahna Aan Ku Tago Insha-Allah.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Oo Ugu Horeeyo Madaxweyne Mohamed Abdulaahi Farmajo & Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Uu Ugu Horeeyo Madaxweyne C\casiis Lafti-gareen Waxaan Ka Codsanayaa In Shacabka Degmada Tiyeeglow Ee Dunida Daafaheeda Ku Kala Irdhoowey In Degmadooda Maleeshiyada Shabaab Looga Xoreeyo.

Muhiimadu waa so bandhigista nimcada Reer Bakool Allah ugu deeqey & waxay dadkakale E joga gobalada dalka ka Aaminsanyihiin.

Abukar Deerow

Yaa Dega Degmada Tiyeeglow?[]

Tiyeeglow Waxaa Dega beel Weynta Somaliyeed ee Jilible gaar ahaan Afarta Gamaas oo kala ah.[]

1- Ilkoole

2- Gaasanleey

3- Garwaaley

4- Eey Duureey

Waxaa kaloo la dega oo aan sidaa u badneyn Beelaha Somaliyed ee kala duwan oo ay kamid tahay Geeladle Iyo Beelaha Afarta Boqol hore kuwaa oo aan sidaa u badneyn.

  1. ^ "Somalia City & Town Population". Tageo. Retrieved 4 October 2013.
  2. ^ "Regions, districts, and their populations: Somalia 2005 (draft)" (PDF). UNDP. Retrieved 21 September 2020.

References[]

Coordinates: 4°02′N 44°31′E / 4.033°N 44.517°E / 4.033; 44.517


Retrieved from ""